Madaxweynaha J.F.S mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa mar kale madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay madaxweynihii hore ee dalka mudane Xasa Sheekh Maxamuud oo ay ka wad hadleen xaaladda uu dalka marayo iyo fursadaha dowladda cusub heysato. Kulanka madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajiyo iyo madaxweynihii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ay uga hadleen xaaladda dalka ku sugan yahay, muhiimadda dowladda cusub iyo fursadaha hor yaalla xiligaan. kulanka waxaa ku soo biiray guddoomiyaha golaha shacabka J.F. Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari”, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin ka siiyey madaxweynaha dalka Farmaajo howlaha xafiiska madaxweynaha uu dalka u soo qabtay iyo dedaalladii lagu guuleystay afartii sanno ee u dambeysay, waxa uu intaa raaciyey in dowladda cusub ay heysato fursad dalka ay ku nabaddeyn karto, kuna gaarsiin karto hiigsiga 2021-ka si dimoqoraadiyad leh, kulankaasina waxa uu ka dhacay xafiiska madaxweynaha. Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa uga mahadceliyey madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud mudadii uu dalka soo hoggaaminayey, guulihii la gaaray iyo horumarka dowladnimada Soomaaliya ku lataabsatay, waxa uu sheegay in dowladdiisa cusub ay ku sii dari doonto dedaal dheeri ah, isla markaana ay ka shaqeyn doonto Soomaaliya oo wadajirta in ay guuleysato. kulanka inta uu socdey waxaa la [...]
↧
Sawiro:Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh mar kale Villa Soomaaliya ku kulmay.
↧