Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Xuska ciidanka badda oo lagu qabtay Muqdisho

$
0
0
Munaasabadan loogu dabaal degayay 52 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka badda Soomaaliya oo ku beegan 10-kii bishan ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxana ka qeybgalay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa badda. Munaasabadda ayaa ciidanka badda Soomaaliya waxa ay goobta ku soo bandhigeen gaaddo ka cayaar, iyadoo taliyaha ciidanka badda uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka. Admiral Madeey Nuuroow Sheekh Ufuroow Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya oo munaasabada hadal kooban ka jeediyay ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada badda iyo xaasaskooda, isagoo sanadkan kiisa kale u rajeeyay inay ku gaaraan horumar iyo baraare. “Waxaan hambalyo u dirayaa saraakiisha, saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda iyo Xaasaskooda munaasabadda 52 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka badda, waxaa jirta qalab ciidan oo dhanka badda oo aan rajeyneyno inaan dhawaan helno, si aan u xoojinayo ilaalinta xeebaha dalka”ayuu yiri Taliyaha ciidanka badda. 10-kii bishii Febaraayo ee sanadkii 1965-kii waxaa si rasmi ah loo aas-aasay Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha Soomaaliya.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles