Waxaan ku lugeynayay Waddada hor marta Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho, waxayna aheyd goor subax aroorye hore ah, aniga oo markaasi u socday goobteyda shaqada ayaa waxaa iga soo hor muuqday Tabeelle weyn oo uu ku sawiran yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaase ku kor qornaa halku dhig aad ii mashquuliyay kaasi oo ahaa 8-da Bisha Febraayo waa maalinta guusha Shacabka, waxaan is weydiiyay goormeey ka mid noqotay maalamaha Dalka laga xuso, waxaase markii dambe ii soo baxday inay aheyd maalintaasi markii Farmaaajo uu ku guuleystay Doorashadii Dalka ka dhacday. Habeenkii la dooray iyo wixii ka dambeeyay waxaa bilowday dibad-baxyo aad loogu taageerayo Madaxeynaha la doortay, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa noqday Madaxweynihii ugu taageerada badnaa Hogaamiyaashii Dalka soo maray kadib bur burkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya, balse dad badan ayaa isweydiinaya sababta uu Mudane Farmaajo ku helay taageerada shacabka Soomaaliyeed uuna u yahay hogaamiye guuleystay, taasi ayaa ah inuu aamisan yahay Soomaali mid ah oo dhinac walba raali isaga ah sida uu ku sheegay khudbad uu xilli hore jeediyay. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya aysan hogaamiye sax ah helin, haddii ay heshana ay noqon doonaan kuwa guuleysta. “Hogaanka wanaagsan waxaa laga rabaa [...]
↧