Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka qeybgaleen dad aad u faro badan, isla markaana lagu taageerayay dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa ka dhacday Magaalada Phoenix ee dalka Mareykanka. Munaasabaddan ayaa waxaa ka hadlay dad aad u badan kuwaasi oo taagero buuxda u mujiyay madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Ugu horreyn waxaa munaasabadda ka hadlay Mustafa Haji Af-Balaadh Gudoomiyaha Somali Association Of Arizona oo ku hadlayay magaca dadkii soo qabanqaabiyay munaasabadda, wuxuuna u mahadceliyay dadkii ka soo qeybgalay munaasabadda oo uu sheegay in ay ka kala yimaadeen Magaalooyinka kala duwan ee Gobalka Arizona. Intaas kaddib Musatafe Xaaji waxaa uu sheegay in munaasabadda ay u qabteen in ay taageeraan dowladda cusub ee Soomaaliya, gaar ahaan madaxda tayada leh ee la doortay, wuxuuna madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo u rajeeyay in uu Allaah u fududeeyo xilka loo doortay. Sidoo kalena wuxuu bogaadiyay madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxmuud oo uu halyeey Soomaaliyeed ku tilmaamay, isagoo xusay in Xasan Sheikh Maxamuud iyo xukuumadihii la soo shaqeyay ay soo gaarsiiyeen dalka meel ay dadka Soomaaliyeed dhammaantood ku niyad-weyn yahiin. Sidoo kale waxaa munaasabadda ka hadlay Cabdifitax Ahmed Cabdikariin wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay maanta heystaan fursad ay [...]
↧