Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal ka guddoomay Danjiraha Talyaaniga

$
0
0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo”, ayaa la kulmay Danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Carlo  Campalina. Madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo”, ayaa dhambaal ka guddoomay safiirka dowladda Talyaaniga Ambassador Carlo  Campalina, kaas oo uu ka siday Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, madaxweynaha iyo safiirka ayaa iska wareystay xiriirka labada dal oo ah mid taariikhi ah oo muddo dheer soo jiray. “dowladda Talyaaniga waan uga mahadcelinayaa sida ay u garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaan hubaa inaana ilaawi doonin kaalinta mugga leh ee aad ka qaadataan dib u dhiska dalkaan, sidoo kale waxaa uga mahadcelinayaa madaxweynaha  Talyaaniga  Hambalyada uu ii soo diray” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaa dowladda Talyaaniga ka codsaday in ay si dhab ah uga qeyb-qaataan gurmadka ay u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ay abaaraha saameeyeen, isagoo si qiiro leh u sheegay in dowladda Talyaaniga looga fadhiyo in ay sida lagu garanayeyba ay sameyso dedaal dheeri ah oo dadka gurmadka u baahan lagu gaarsiinayo waxyaabaha deg degga ah sida cunnada, Biyaha iyo dawooyinka. “waxyaabaha dowladeeda ugu muhiimsan waxaa ka mid ah amniga iyo dhismaha ciidammada Qaranka, waxaan mar kale ka codsanayaa masuuliyiinta sare ee dalka Talyaaniga in ay gacan buuxdo naga siiyaan [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles