Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Maxkamadda sare ee dalka Kenya oo ka hortimid qorshaha lagu xirayo xeryaha qaxootiga Dhadhaab

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ku gacanseyrtay go’aankii dowladda ku dooneysay in ay ku xirto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, waxayna maxkamaddu sheegtay in go’aanka dowladda Kenya uu xadgudub ku yahay xuquuqda qaxootiga. Maxkmadda sare ee dalka Keenya ayaa ku tilmaantay qorshaha dowladda Kenya ay ku xireyso xeryaha qaxootiga Dhadhaab mid aan dastuuri ahayn oo ka hor imaanaya sharciga dalkaasi. Xaakimka maxkamadda sare ee dalka Kenya John Mativo ayaa yiri ‘‘go’aanka dowladda wuxuu si gooni ah u  bartilmaameedsanayaa qaxootiga Soomaalida, taasoo ah mid sharci darro ah, sidaas darteedna waxaan go’aankaasi ka soo qaaday mid aan waxba ka jirin”. Go’aanka maxkamadda sare ee Kenya ayaa imaanaya, iyadoo wasiirka amniga ee Kenya uu shaaciyay  bishii May ee sanadkii tagay  in dowladda Kenya ay si rasmi ah u xiri doonto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab., halkaas oo ay ku nool yihiin kummanaan qaxooti Soomaali ah. Dhanka kale Hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha ee kala ah Human Right Watch iyo Amnesty international ayaa soo dhoweeyey go’aanka maxkamadda sare ee Kenya ay ku hor istaagtay qorshaha dowladdaasi ay ku soo xireysay xeryaha qaxootiga Dhadhaab waxa ayna sheegeen in uu yahay mid taarikhi ah.  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles