Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho wax yar kaddib marki uu soo baxay go’aanka maxkamadda ee ah in ay qaadeyso dacwadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ee la xiriirta xuduud badeedka ayuu arrintaasi soo dhaweeyay. Madaxweynaha ayaa go’aanka maxkamadda ku tilmaamay guul usoo hoyatay ummadda Soomaaliyeed, isagoo hoosta ka xariiqay in arrintaasi ay dowladdu u gashay dadaal dheeraad ah. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa tilmaamay in cilaaqaadka labada dal Kenya iyo Soomaaliya uu hagaagsanyahay, mana jiraan ayuu yiri wax colaad ah oo ka dhex taagan labada dal. Madaxweynaha ayaa qiray in arrinta la xiriirta soohdin badeedda ay labada dal isku khilaafsanyihiin, sidaasi darteedna ay dowladda Soomaaliya qaadatay go’aan ah in si ilbaxnimo leh arrinta u wajahdo. Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay madaxweynaha in arrinta la xiriirta dacwadda badda ay kusoo soo dhamaan doonto guul isagoo ku celiyay in Soomaaliya aysan aqbaleynin in taako ka mid ah dhulkeeda iyo baddeeda cid kale qaadato.
↧