Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka qayb galay xalfad lagu sagootinayey isaga iyo weftigiisa oo ku sugnaa mudo laba cisho ah Bandar-bayla. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xaflada hadal ka jeediyey ayaa uga mahad naqay shacabka Bandar Bayla sida wanaagsan ee ay u soo dhoweeyeen madaxweynaha iyo weftigiisa ee socdaal ka ku marayey degaanada gobolada Bari . Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in is ku tashiga Dawladda Puntland iyo shacabkeedu keenay gumardka iyo gargaarka lagu caawinayey shacabka Soomaliyeed ee ku Soo hayaamay Degaanada , kaas oo ku yimi isku tashiga shacabka Puntland iyo dowladooda taasina ay ka turjumayso is jacaylka ummada Soomaliyeed iyo dhaqanka soo jireenka ah ee lagu yaqaaney. Dhinaca kale bulshada iyo masuuliyiinta maamulka Bandar-Bayla ayaa dhankooda uga mahad celiyey madaxweynaha iyo weftigiisa sida hagrasho la’aanta ah ee ay ugu heelan yihiin wax ka ogaanshaha xaalada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin dadka reer guuraaga ah iyo degaanada fog-fog ee Dawladda Puntland. Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isagoo ka jawaabaya codsiga shacabka iyo muulmulka Bandar-bayla waxaa uu ku dhawaaqay in la dhagaxdhigi doono waddo laami ah oo isku xidhidoonta bandarbayla iyo magaalada Qardho.
↧