Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

R.Wasaare Cumar Cabdirashiid oo Tacsi u direy Ehellada Taliyihii Ilaalada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

$
0
0
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa tacsi u direy ehellada iyo qaraabadii uu ka baxay Allaha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Ilaalada R.Wasaaraha Gaashaanle Nuur Xasan Xakaar oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaarey Qaraxii Argagixiso ee dhawaan ka dhacay Hoteelka Dayax. Wuxuna marxuumka ALLE uga baryay in uu jannadiisa Fardowso ka waraabiyo. Mudane Cumar ayaa sheegay in marxuumku u dhintay dhaawac ay u gaysteen kooxaha arxanka daran ee Alshahaab, isla markaana wuxuu ku sifeeyey marxuumka in mudadii ay wada shaqeynayeen ku sifoobay howlkar iyo daacadnimo. “Waxaan Alle uga baryaynaa in marxuumka uu ka waraabiyo naxariistiisa Janno. Waxaa dishay gacan ka xaqdaran, isagoo ku jira howlaha Qaranka, waxaan rajeynayaa kuwa ka danbeeya dhibaatada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed in Caddaalad la horkeeni doono”.ayuu yiri R.Wasaare Cumar. _DHAMMAAD__ Ahmed-nur Mohamed Prime Minister’s Media Office Mogadishu, Somalia media.opm@gmail.com Twitter: @SomaliPM

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles