Wasiirada Wadamada IGAD ee qaabilsan dhirta, beeraha, Daaqa iyo kahortagga abaaraha ayaa shir ay ku yeesheen magadaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya waxay ku daah fureen Mashruuc iskaashi oo kahortaga abaaraha gobolka iyo isu gudbidda xuduudaha ee dadka iyo xoolahaba sidii horumar loogu gaari lahaa, Shirkaas waxaa shir guddoominayay Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumeysiga ee Itoobiya, waxaana isku soo duba riday shirka Xoghayaha Guud ee IGAD Ambassador Mahbuub Moalim iyo Ambassador Adam Kuach oo ah Madaxa Midowga Yurub u fadhiya dalalka IGAD ee fadhigiisu yahay Djibouti. Waxaa shirka sidoo kale ka qaybgalay oo Soomaaliya u matalayay Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid oo sidoo kale ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya,Wasiirka Deegaanka iyo Keymaha South Sudan Hon. Josephine Napwon Cosmos,Wasiirka Beeraha iyo Keymaha Suudaan Prof. Ibrahim Adam Aldukheyri,Wasiirka Diyaargarowga Masiibooyinka iyo Qaxootiga ee Uganda Hon. Musa Eweru, Wasiirka Golaha Sare deegaanka ee Khartoum General Omar Ahmed Nimir,Xoghayaha Joogtada ah ee Qorsheynta iyo Maamul Daadajinta ee Kenya Ms.Josephta Oyiela Mukobe, iyo Wakiilka Gaar ah iyo lataliye Sare ka hortaga Abaaraha Wasaarada Beeraha Djabouti Mr.Ismail ELmi Habaneh. Mashruucaan oo ah mashruuc ay iska kaashanayaan Wadamada Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa maalgalinaya Midowga Yurub, waxaanu [...]
↧