Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha  Soomaaliya oo kulan laqaatay  diblomaasiyiinta dalalka Jaamacadda Carabta iyo guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha+Sawirro

$
0
0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan looga hadlay sidii looga qeyb-geli lahaa gurmadka abaaraha la yeeshay diblomaasiyiinta dalalka Jaamacadda Carabta iyo guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha. Kulankan oo ahaa mid muhiim ah waxaa joogay, safiirrada waddamada Jaamacadda Carabta, xafiiska ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo guddiga Qaran ee abaaraha, iyadoo diiradda lagu saaray sidii dalalka Carabta ay door muuqda uga qaadan lahaayeen in ay ka qeyb-galayaan kaalmada iyo gurmadka dadka ay abaaraha xooggan saameeyeen. Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, ayaa sheegay in farriinta shacabka Soomaaliyeed ka  timid ay ka jawaabi doonaan dalalka Jaamacadda Carabta, waxa uuna ugu baaqay hey’adaha dalalkaasi in ay arrintaan si deg deg ah wax uga qabtaan. Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo guddiga Qaran ee abaaraha ka tirsan, ayaa sheegay in dhibaatada hadda jirta in aysan ku filneyn shacabka iyo dowladda, loona baahan yahay kaalmo caalami ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalalka Jaamacadda Carabta ay kala hadleen sidii ay Soomaaliya u garab istaagi lahaayeen marxaladda abaaraha. Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dadka Soomaaliyeed ee wax heysta ugu baaqay in ay u gurmadaan deegaannada iyo gobollada ay abaartu saameysay. Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda ay diyaarisay qorshe hey’adaha dowladdu [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles