Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wafdi ka socoda Wasaaradda ganacsiga oo kulmay Ururka ganacsiga ee wax dhoofinta dalka Turkiga TIM “SAWIRRO”

$
0
0
Wafdigan oo uu horkacayo Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya ayaa kulan muhiim la qaatay ururka ganacsiga ee wax dhoofinta dalka Turkiga ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan TIM, waxaana kulanka ka soo qayb galeen ilaa iyo 27 shirkadood oo ka socday dalka Turkiga. Shirkadahaan oo ka koobnaa dhamaan qeybaha ganacsiga ee kala duwan sida beeraha, xoolaha, dhismaha, baastada, iyo waliba qeyba kale ee ganacsiga ayaa rugta ganacsiga Soomaaliya iyo ganacsatada Soomaaliyeed waxay halkaasi ku soo bandhigeen waxyaaba ay ku caawin karaan shirkadahaasi dhanka dhoofinta badeecada ha Soomaalida si loo iib geeyo suuqyada aduunka. Sido kale intuu uuu socoday kulankaan ayaa waxaa warbixin muhiim ah loo soo bandhigay ganacsatada Turkiga sida ay Maalgashi uga sameysan karaan dalka Soomaaliya, tasoo ay soo bandhigtay rugta ganacsiga Soomaaliya. Dhanka kale waxaa heshiis wada saxiixday rugta ganacsiga Soomaaliya iyo ururka ganacsiga ee wax dhoofinta dalka Turkiga heshiis kaas oo Muhiimaddiisu ay ahayd badeecadaha Soomaaliya uga yimaado Turkiga la kordhiyo sida Xoolaha, Muuska, liinta qalalan, Canbaha, sisinta, Maqaarka, iyo luuwaanta. Sido kale wafdigaan ayaa kulan la qaatay Wasiir ku xigeenka beeraha xoolaha iyo cuntada ee dalka Turkiga waxeyna kawada hadleen dhoofinta xoolaha iyo dalaga ka soo go’a beeraha soomaaliya sidii [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles