Boqorka dalka Sweden Carl Gustav-kii 16-aad ayaa si ramsi ah uga gudoomay warqadihii aqoonsiga safiirnimo danjiraha Soomaaliya ee dalka Sweden mudane Cawaale Cali Kulane. Xaflad iyo hab muumuus si qurux badan lo soo agaasimay ayaa lagu soo dhaweeyey xarunta boqortooyada dalkan sweden, iyada oo fardo lagu galbiyey safiirka, waxaana ka dib xafladan uu boqorla dalkan sweden uu kulan xog wareysi ah la yeeshay safiiirka Soomaaliya mudane Cawaale kulane isaga oo muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in 27sano ka dib uu Sweden yimaado safiir matalaya Soomaaliya ka dib burburkii. Danjire Cawaale Cali kulane oo xaflada ka dib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay sida qurux badan ee loo soo dhaweeyey waxa uuna tilmaamay in haatan iyo wixii ka dambeeyo loo howlgali doono furitaanka xafiiska safaarada, isaga oo u mahadceliyey guud ahaan jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Sweden ee u muujiyey taageerada iyo soo dhaweynta. Safiirka cusub ee dalka Soomaaliya u fadhiisan doono wadamada Scandavia gaar ahaan dalka Sweden mudane Cawaale Cali kulane ayaa waxaa hor taalo howlo baaxad leh oo ay ugu horeyso xoojinta xiriirka labada dal iyo qabashada adeegyada lagama maamrmaanka ah oo ay uga baahan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed safaarada.
↧