Mudanayaasha labada aqal ee dawlad goboleedka Galmudug laga soo doorto shir ay isugu yimaadeen maanta, waxey walaac ka muujiyeen xaaladda xasilooni-darrada siyaasadeed ee ka soo korortay dawlad goboleedka Galmudug, taasoo abuuraysa qalqal iyo jahwareer hor leh xilli deegaanada Galmudug ay ka jirto duruufo adag oo isugu jira abaaro iyo colaad. Mudanayaasha Labada aqal waxey ayagoo dhowraya madax-banaanida hey’daha dawlad goboleedka Galmudug, shuruucda iyo dastuurka Galmudug, ixtiraamayana golayaasha kala duwan ee maamulkaas, isla markaana garowsan mas’uuliyadda ka saaran horumarka iyo ilaalinta xasiloonida Galmudug, waxay ka digayaan falalka xildhibaanada Galmudug qaarkood & dad danaystayaal ahi ay horboodayaan ee lagu abuurayo qaska iyo qalalaasaha, kuwaasoo ay muuqato in ay lid ku yihiin jiritaanka iyo horumarka Galmudug, ayna ka faa’ideysanayaan dad cadow ku ah horumarka iyo xasiloonida Galmudug. Mudanayaasha Labada aqal ee qaranka u matala Galmudug waxay si cad uga soo horjeedaan tallaabadii tiro xildhibaano ah taariikh 10-kii Janaayo 2017, shir ay ku qabteen xarun aan xaruntoodii aheyn ayadoo kalfadhigii baarlaamku xirnaa, ayna ku andacoodeen in ay xilka uga qaadeen madaxweynaha Dawlad goboleedka Galmudug, taasoo aheyd mid lagu degdegey, siyaasadeysneyd, dastuurka hareermarsaneyd, isla markaana ay gadaal ka riixayeen shakhsiyaad dano & damac siyaasadeed leh, oo u bareeray in ay majaxaabiyaan dawlad goboleedka curdinka ee [...]
↧