Madxaweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo shir jiraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira Maamulka Hirshabeelle, Xili uu ka soo noqday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee uu howlo shaqo ku tagay. Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweyanaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ugu horeyn ka warbixiyy xaalada guud ee gobalka gaar ahaan tan abaaraha ee ka jirta deegaanada Hirshabeelle, Isagoo sheegay u jeedada halkaasi ay u gaareen ay tahey in ay u kuur galaan xaalada abaaraha ee ka jira qeybo ka mid ah Gobolkaasi, waxaana uu sheegey Madaxweynaha in ay gaarsiyeen deeganadaasi deeq gar gaar ah oo aan ku filneyn baaxadda abaarta jirta. “Maalmahan ayaa ku maqnaa Magaalada Beledweyne, ujeedada aan u aadnay waxa ay aheyd laba qodob oo kala ah in aan ku baraarujino wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating tago halkaasi oo inoo suura gashey, islamarkaana uu wax ka ogaado xaaladda abaaraha ee jira, qodobka kale ayaa ah beelaha dega halkaasi aan kala hadalno in jawi nabadeed ay kuwada noolaadaan lagana fogaado colaad beeleedyo in ay dhacaan, kuwaasi oo iyaguna isku soo afgaranay, taa oo iyana inoo aheyd wax wanaagsan oo mira [...]
↧