Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Michael keating oo Gaaray Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Ergayga  gaarka ah ee qaramada midoobay  u qaabilsan soomaaliya  Michael keating oo soo garay beledweyn  ayaa kormeer ku tagay  suuqa xoolaha lagu iibiyo ee magaalada  waxana uu u kuur galayay  sameynta ay abaaraha ku yeesheen gobolladaasi  isagoo uu ka xog wareystay qaar ka mid ah  ganacsatada  xoolaha oo u  sheegay in xoolaha ay  aad u sameyeen abaaruhu. Intaasi kadib waxaa loo gudbiyay xarunta maamulka gobolka hiiraan waxaan uu   kulamo la qaatay madaxweynaha maamulka Hirshabeele iyo qeybaha kala duwan ee bulshada  iyo ugaas Xasan ugaas Khaliif iyo Wabar Geeddi wabar Xasan ku Tubow kulammadan ayaa looga hadlay  abaaraha ka jira gobolka  iyo sida ay Qarammada Midobey  gacan uga geysan lahayd  abaaraha. Qaar ka mid  ururrada bulshada iyo gudoomiyasha dagmoyinka gobolka ayaa goobta kasoo jeediyay  dhibaatoyinka abaaraha ee ka jira degaannada ay masuulka ka yihiin.   Ergayga  gaarka ah ee Qaramada Midoobay  u qaabilsan Soomaaliya  Michael keating  aya ballan qaaday in ay gacan ka geysan doonaan  dhibaatooyinka  loo soo gudbiyay. Gudoomiyaha maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ka jiro gobalka oo ay abaaruhu ugu horeyaan.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles