Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Talxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ugu hambalyeeyay Madaxda iyo Shaqaalaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA sanadguuradii 53-aad ee ka soo wareegtay aa-aaskeedii oo ku aadaneyd 5-tii Janaayo 1964-kii. Wasiirka oo ka hadlaayay Munaasabadda lagu xusaayay sanad-guuradii 53-aad ee aas-aaska iyo sanad guuradii 1-aad ee ka soo wareegtay markii dib loo howlgaliyay Wakaaladda SONNA oo lagu qabtay Xaruunta Wasaaradda Warfaafinta ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa uu aad ugu dheeraaday dadaalkii loo galay sidii ay dib ugu howlgalshay iyo dadaalkii ay ugu suurogashay inay ka soo dhalaalaan shaqadii loo egmaday. “ in Hey’ad la kiciyo ma fududa balse juhdi dheer iyo dadaal dheer kadib waxaa noo suurtogashay in aan dib u howlgalino Wakaaladda SONNA, islmarkaana aan hirgalinno dhisme cusub, balse waan ku guuleysanay arrimahaasi oo dhan fulintooda waana ku ammaanayaa intii howshaasi ka qeybqaadatay” ayuu yiri Mudane Maareeye. Wasiirka oo sii ambaqaadayay hadalkiisa ayaa sheegay in Wakaaladda SONNA dib loo howgaliyay sanadkii ee 2015-kii, isagoo qiray tan iyo waqtigaan ay qabatay howlo aad u muhiim ah ayna kasbatay dareenka shucuub badan iyo Wakaalado Warareed oo badan. “ Wakaaladda Wararka ee SONNA waa isha kaliya ee laga xiga karo dhamaan wixii Warar ah [...]
↧