Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Qoysas kabadan Todobo Boqol oo ka Barakacay Abaaraha ka jira Gobolka Galgaduud

$
0
0
Qaar ka mid ah dadka Deegaanka Miirjiicley ayaa Radio Muqdisho U sheegay in  qoysas kabadan todobo boqol ay ka barakeceen Deegaanka kuwaas oo gaaray Gobolka Hiiraan si ay u raad-sadaan nolol ka duwan tan Gobolka Galgaduud oo ay Abaar Xooggan Kajirto. “Waxaan Adduunka Ka Codsaneynaa in Gurmad ay nala soo gaaraan maadaama ay abaar xooggan jirto taas oo saameysay nolosha Qoysaskeenna iyo Xoolaheenna” Waxaa Yiri Sidaa mid ka mid ah dadka Deegaanka. Fuustadii Biyaha Deegaanka Miirjiicley  ee Gobolka galgaduud Waxa ay ka mareysaa 70 kun oo Shilinga Soomaaliga ah taas oo aanan horay U dhicin, dadka ayaana u Baahan Gurmad Biyo iyo Baadba Leh, Abaaraha ka jira qaar ka mid ah Gobollada dalka ayaa sababtay Saameyn Qoysas Badan soo gaartay Naftooda iyo Xoolahooda, iyagoo u baahan Umadda Soomaaliyeed Oo ay abaartu Saameysay Gurmad Dhinac kaste ah.   Allow U Gargaar Dadkeenna.  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles