Xaflad lagu soo dhaweynayay Taliyaha Ciidamada difaaca dalka Uganda General katumba Wamala oo Maalmahan booqasho ku joogay Somaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho,iyadoo ay ka soo qeyb galeen Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay wehilnayeen Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka, saraakiil kale ,Wakiilka Qm u qaabilsan Somaaliya iyo saraakiil katirsan Howlaglka AMISOM. Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo ugu horeyn xafladda ka hadlay ayaa u mahadceliyay Dowladda Uganda oo ah Dowladda ay ka Socdaan Ciidanka ugu badan ee AMISOM, isagoona sheegay in Ciidanka Uganda ay u taagan yihiin inay ka qeyb qaataan xasilinta dalka. Taliyaha Ciidamada Difaaca dalka Uganda General Katumba Wamala ayaa sheegay in Dowladda Uganda ay marwaliba taageereyso sidii Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay u Gaari lahaayeen isku filnaasho loogana maarmo joogitaanka Ciidanka AMISOM. “AMISOM maaha xalka guud ee Soomaaliya balse waxay noqon kartaa oo kaliya qeyb kamid ah xalka ,xasilinta iyo nabadeynta dalkan, xalka dalkaan wuxuu kujiraa gacanta walaalaha Soomaalida waxaan ku dadaaleeynaa inaan idin taageerno siwalboo ay noqotaba balse waa inaad fadhiga ka kacdaan oo aad dadaashaan sidaa darteed waxaan idinka rajeynayaa inaa dib u habeyn ku sameysaan habka sugidda amniga” Ayuu Yiri Taliye Katumba Wamala. Wakiilka Qm u qaabilsan Soomaaliya [...]
↧