Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo kulan u qabatay dhallinyaro+Sawirro

$
0
0
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa isu keentay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaallada Nairobi, qurbo joog iyo Ilhaan Cumar oo ah xubin ka tirsan golaha wakiillada gobolka Minisota ee dalka Mareykanka. Kulankan oo ay ka qeyb galeen ku dhawaad 30 dhallinyaro ah oo ka kala socday ururrada bulshada iyo kuwa dhallinyarada ee ka shaqeeya arrimaha Soomaalida Kenya, ayaa looga hadlay kaalinta dhallinyaradu ay ka qaadan karaan horumarinta bulshada iyo siyaasadda, waxaana la isku dhaafsaday aragtiyo, tusaalooyin iyo waayo aragnimo la xiriirta xaaladaha ay ku sugan yihiin dhallinyarada, fursadaha u banaan iyo sida ay horumarinta uga qeyb qaadan karaan. Xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee Kenya, Almaas Elman oo furtay shirkaan ayaa tilmaantay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin muuqata ku leeyihiin horumarinta bulshada, nabadda iyo waliba siyaasadda. Waxa ay sheegtay in isku-xirka dhallinyarada iyo inay hadaf yeeshaan ay qeyb weyn ka qaadan karto horumarinta dadkooda iyo dalkooda. “Dhallinyarada waxa ay leeyihiin awood ballaaran,Waa kuwo wax beddeli kara haddii ay midoobaan, guulaha ay siyaasadda iyo arrimaha bulshada ka gaareen ayaa tusaale u ah in ay hoggaamin karaan dadkooda” ayay tiri Almaas. “Kulankani waxa uu naga saacidi doonnaa in dhallinyarada aan ku baraarujinno in ay horay u socdaan [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles