Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha Soomaaliya oo xarigga ka jaray Isbitaalka De Martino “SAWIRRO”

$
0
0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta xarigga ka jaray Isbitaalka De Martino ee ciidammada Naafada Xoogga dalka Soomaaliyeed  oo ku yaalla degmada X/weyne ee gobolka Banaadir. Isbitaalka De Martiino, waxaa la dhisay 1910-kii, hal qarni ka badan ayuu jiraa, waxaa lagu daweyn jiray Ciidammada Qalabka Sida Naafadooda. Isbitaalka waxa la dhisay hadda qeyb ka mid ah oo si casri ah loo qalabbeeyey, qeybta bukaan socod eegtada iyo qeybaha kale ee uu leeyahay Isbitaal Casri ah, dhismahan waxaa soo abaabushay hey’adda houmarinta haweenka ee Iida  oo gacan ka heleysa hey’ado kale iyo dowladda Talyaaniga. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarigga ka jaray Isbitaalka De Martiino oo ku yaalla degmada X/weyne, madaxwyenuhu waxa uu soo kormeerray qeybahaasi cusub oo si simman ugu adeeggi doonna shacabka Soomaaliyeed iyo ciidammada Qalabka Sida guu ahaan. Munaasabadda Furitaanka, madaxweynaha, Wasiirka Difaaca, wasiir ku xigeenka Caafmaadka, taliyeyaasha ciidammada Qalabka sida oo dhan, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, hoggaanka caafmaadka ee Xoogga dalka, madaxda hey’adda Iida iyo hey’adaha kale ee gacanta ka heystay Isbitaalka.  Guddoomiyaha gobolka Banaadir, wasiir ku xigeenka Caafmaadka, ayaa labaduba sheegay in guul weyn ay tahay in dowladdu ay taageerto mashruucaan ay dad Soomaaliyeed ku dhiseen Isbitaalkii Ciidanka Naafada haddaba bulshada dhan [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles