Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaranka oo la kulmay hay’ado iyo deeqbixiyayaal.

$
0
0
Guddigga Gurmadka Abaaraha ee heer Qaran, ayaa kulan looga hadlaayey dardar gelinta  hawlaha gar-gaar ee ay u baahan yihiin dadka ay Abaaruhu saameeyeen la yeeshay  UNka, deeqbixiyayaasha, iyo hay’adaha caalamiga ah, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka  Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in shirkii ugu horeeyay ee guddiga ay kaga hadleen sidii loo diyaarin lahaa hal qorshe oo lagu wada shaqeeyo,isla markaana loo baahan yahay in waxqabadku uu noqdo  mid ka jawaabaya baahida ay qabaan dadka ay Abaartu waxyeeleeyeen.. Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka  ayaa  sheegay in hay’adaha caalamiga ah oo ay ugu horeeyso UNka loo baahanyahay in ay doorkooda ka qaataan wax ka qabashada Abaaraha dalka ka jira,wuxuuna ugu dambeyn, Mudane Carte  sheegay in shirarka guddiga uu la yeelan doono qaybaha kala duwan ee bulshada iyo hay’adaha caalamiga ah uu sii socon doono inta xal waara looga helayo Abaaraha dalka ku soo noq-noqonaya.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles