Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb-galay xuska 73-aad ee Boliiska Soomaaliyeed

$
0
0
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maantaka qayb galay Xuska Munaasabadda Sanadguurada 73aad ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo lagu Qabtay Xarunta Dugsiga Sare ee Booliiska ee Ganaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho. Madaxwaynaha oo Xafladda hadal ka jeediyay ayaa ka waramay taariikhda faca wayn ee Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo doorkii Shariifka ahaa oo ay ka soo qaateen Sugidda amniga shacbiga Soomaaliyeed, Booliiska ayaa ah Saxiib daris la ah bulshada, mar walbana indhaha ku haya xaaladooda amni. Madaxwaynaha Soomaaliya wuxuu hambalyo ku aaddan 20ka Dicember u diray dhamaam Saraakiisha Saraakiil xigeenka Aliflayda Ciidamada Booliiska iyo Xaasaskooda,wuxuuna kula dardaarmay qeybaha ciidamada Boliiska  inay sii laba laabaan  howlaha adag ee loogu adeegayo bulshada,isagoo dhanka kale ka codsaday shacbiga in ay la shaqeeyaan Boliiska Ciidamada Booliiska ayaa la aasaasay sanadkii 1943dii, waana Ciidamada ugu faca wayn  afarta qaybood ee Ciidamada Qalabka sida oo kala ah Ciidamada Booliiska,Ciidamada Xoogga dalka, Ciidamada Asluubta iyo Ciidamada Nabad sugidda.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles