Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay Masjid laga dhisayo aqalka dowladda hoose+Sawirro

$
0
0

WhatsAppShare

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale “Madaale” ayaa maantay dhagax dhigay masaajid Loo dhisayo Áqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay In uu Yahay dhagax dhigii shanaad intii Lagu jiray Bishan waxayna Ka mid tahay ayuunyiri hormarka ay magaaladu ku tilaabsanayso.

sidoo Kale Gudoomiye madaale ayaa Ka warbixiyey Xaaladda Guud ee Magaaladda Muqdisho gaar ahaan dhinacyada amaanka iyo Nadaafada wuxuna sheegay in horumaro  fiican Laga gaaray bilic soo celinta caasimadda.

Ugu Dambentii duqa caasimadda ayaa u Mahadceliyey Hey.adda ZAMZAM oo dhiseysa Masaajidkan, oo ay inta badan ku cibaadeeysan doonaan  shaqaalaha dowladda hoose.

1d10aa4c-80a3-455d-a822-4086386b5dde 8736efe4-1d91-485b-b6da-8a1cc9cb153f 8367170d-c8a1-4a20-baf4-38c81f8fb5c6 91006665-d4a2-4384-b70a-3648a1fd5771 d35b391b-eb42-481d-a489-a7ba93b66957 e56fa2db-1154-47fb-9cb4-3685d97aa69a

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles