Munaasabadan oo lagu soo dhaweynaye qaar kamid ah haweenka Soomaliyed ee katirsan Barlmaanka Cusub Soomaaliya ee Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose waxaana kasoo qeyb galay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xildhibaano ururada Bulshada Rayidka Fanaanin iyo Masuuliyin kale. Munaasabadan oo isugu jirtay Soo dhaweyn isbarasho iyo Dhiira gelinta haweenka Soomaaliyeed ee kamid noqonaaya hormarinta siyaasada Dalka waxaana goobta ay munaasabada ka socotay laga qaaday Suugan lagu bogaadinaayo Xilibanada Haweenka. Gudoomiyaha gudiga madaxa-banaan ee doorashada Qaranka, Xaliimo Ibraahim Ismaaciil (Xaliimo-yarey) oo munaasabada ka hadashay waxa ay sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay juhdi badan ku bixiyeen helida xaquuqdooda ku aadan ka qeb qaadashada Siyaasada Dalka. “aad baan u dadaalnay dadbadan ayaa dadaalay haweenka dal iyo dibad juhdi badan ayey ku bixiyen helida koontadooda maanta guul ayey gaaren haween Soomaliyed marka la fiiriyo sanadihii hore sidoo kale haweenka in ay door kooda qaatan waxaa kaalin ka geestay madaxdii ka qeyb galiysay shirkii madasha qaran” Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale Madaale ayaa kula dar daarmay haweenka Barlmaanka ah in ay xooga saaran Hormarinta Midnimada Soomaliyed iyo helida xaquuqda Gobalka Banaadir. “ qarnigii 21 in sadax malyin oo umad ah la dhaho xaquuq malihidiin waa arin xanuun [...]
↧