Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasaaradda Caafimaadka oo Muqdisho ka furtay kulan looga hadlayo qorshaha caafimaadka ee 5ta sanno “SAWIRRO”

Kulanka looga hadlayey qorshaha Wasaaradda caafimaadka 2017 Ilaa 2021 ee shanta sanno ee socotaa ayaa waxaa ka qeyb  galay ma’suuliyiin ka socotay Wasaaradda caafimaadka, hay’ado  caalamiga ah, NGO iyo xarumaha caafimaaka ee sida gaarka ah . Kulanka oo soconaya ilaa labbo cisho ayaa waxaa ka hadlayey  Agaasimaha Qorsheynta iyo siyaasadda Wasaaradda caafimaadka Aadan Cismaan Sheekh oo xusay in wasaaradda caafimaaka ay qorshaha afarta sanno ah uu muhiim u yahay adeegyada caafimaaka ee dalka. Dr Cabdirisaaq Axmed Yuusuf Agaasimaha waaxda qalabeynta iyo daweynta ayaa xusay in qorshay cusub ee Wasaradda caafimaadka 2017 ilaa 2021 iyo qorshihii hore uu dhexeeyo  farqi waqtigaan la joogo, isagoo rajo wajaagsan ka muujiyay in uu mira dhalo qorshahan. Agaasimaha guud ee waasaradda caafimaaka Dr Cabdullaahi Xaashi Cabdi ayaa sheegay in diyaarinta qorshaha cusub ee caafimaadka dalka uu yahay tallaabooyin loo qaadayo horumarinta caafimaadka iyo fulinta in qorsha uu saldhig u yahay. Qorshaha Wasaaradda caafimaadka ee afarta sanno ee socota ayaa waxaa labadda cisho looga dooday hanaanka loo marayo, aydoo Wasaaradda caafimaadka ay sioo kale qorsheyneyso inay ka talo geliso maamul goboleeyada dalka.        

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles