Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Barakacayaal ka faa’iideystay qalliin indha fiiqis lacag la’aan ah oo uu fuliyay Isbitaalka Aadan Cadde+Sawiro

$
0
0
Qaliinkaan oo dhinaca aragga ah ayaa waxaa ka faaiideystay qaar kamid ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Muqdisho, waxaana fulinaya Isbitaalka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho iyo Hay’adda kahortaga aragga. Inkabadan 50-qof oo kamid ah dadka barakacayaasha ah ayey dhaqaatiirtu u sameeyeen qaliinka iyadoo aaney jirin wax qarash ah oo dadkaasi laga qaaday. Dr Maxamed Cabdullaahi Mahad (Kooshin) oo kamid ah dhaqaatiirta Isbitaalka Aadan Cade islamarkaana ah dhaqtarka sameeyey qaliinka ayaa tilmaamay in barnaamijkaan oo qeyb ka ah mashruuca kahortaga arag la’aanta loogu talo galay in looga faaiideeyo dadka Soomaaliyeed. “50 qof ayaan u sameeynay qaliinka waana wajiga koowaad ee mashruuceena, waxaa kale oo aan dooneynaa qeybta xigta in iyana 50 qof oo kale aan ugu sameeyno qaliin indha fiiqis lacag la’aan ah”ayuu yiri Dr Kooshin. Qaar kamid ah dadka ka faaiideystay mashruucaan ayaa uga mahad celiyey maamulka iyo dhaqaatiirta Isbitaalka Aadan cade iyo Hay’adda la fulineysa dadaalka caafimaad oo ay ku bixiyeen.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles