Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamal Maxamd Xasan ayaa ka qeyb galay Shirka 2-aad ee horumarinta ganacsiga Xaafada Islii oo lagu qabtay Magalada Nairobi. Shirka oo ahaa kii 2 aad oo looga hadlayay horumaringa ganacsiga Soomaaliyeed ee xaafada islii ayaa waxaa ka qeyb galay danjiraha Soomaaliye ee dalka Kenya Ambasador Jamal Maxamed Xasan gudiga gacsatada Xaafada islii iyo Xubno ka socday qaar ka mid ah bangiyada iyo shirkadaha ganacsi ee Kenya oo ayagu halkaasi kusoo bandhigay horumarka iyo waxqabadka ganacsagtada Soomaaliyeed ee xaafada islii. Gudoomiyaha gudiga ganacsiga xaafada islii Ibraahim Xuseen oo ka mid ahaa mas’uliyiintii shirka ka hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyay horumarka ay ganacsatada Soomaaliyeed ka sameeyeen Kenya sanadkan dabayaaqada ah ee 2016 isagona tilmaamay inay qeyb weyn ka qaateen horumarka dhanka dhaqalaha ee dalkani Kenya. “Waa inan sii balarinaa ganacsigeena oo aan bilownaa waxyaabo cusub isla markaana aan ka qeyb qaadanaa dhismaha goobaha danta guud ee isbitalada iyo iskuulada,xaafadan adinkaa iska leh waa inan horumarkeeda ka wada shaqeynaa” ayuu yiri Ibraahim Xuseen Danjiraha Soomaaliya ee dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan oo gaba gabdii bandhiga halkaasi ka jeediyay hadal kooban oo uu ku bogaadinayay ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya horumarka ay ka gaareen dhanka [...]
↧