Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo si diiran loogu soo dhaweeyay Kismaayo “SAWIRRO”

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ku soo dhaweeyeen Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Cabdullahi Sheekh Ismacil Fartaag iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka.

Taliyaha Ciidanka ayaa kormeer ku tagey xarunta Jaamacadda Kismaayo halkaas oo ku xareysan yihiin ciidamadda Isku dhafka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxana uu hadal u jeediyey Ciidamadii halkaasi ku sugnaa. Taliyaha ayaa dhinaca kale kulan gaar ah la qaatay saraakiisha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Maanta waxaan usoo gaaray magaalada Kismaayo, in aan u kuurgalo xaaladda Ciidamadda halkan jooga, intaan joogno magaalada Kismaayo waxaan is arki doonaa hoggaanka iyo qeybaha kala duwan ee saraakiisha ciidanka”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed.

Ugu danbeyn, Taliyaha ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, waxana ay isla soo qaateen arrimo la xiriira  Ciidanka Xoogga dalka iyo horumarintooda.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_0018
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_0020
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_0028
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_0058
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_0061
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_0083
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_0086
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_0107
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_0116
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_0131

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles