Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Gudoomiyaha G/Hiiraan oo kormeeray xarumo lagu daweeyo dadka uu soo ritay cudurka shibanbiyoodka

$
0
0
Gudomiyaha maamulka gobolka Hiiraan  Cali Jeyte Cismaan oo uu wehliyo sarkaal ka socday hay’adda UNICEF ayaa kormeeray goobo  caafimaad oo lagu daweynayo dadka uu soo ritay cudurka shuban biyoodka  ee magalada Beledweyne. Kormerkaasi ayaa markii uu soo gabagaboobay waxa warbahinta  si wada jir ah ula hadlay gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte  iyo  Join Marsheel oo ka socday hay ada UNHCR kuwaas oo ka hadlay cudurka shuban biyoodka ee dilaacay gobolkaasi. “Waxaan u malaynayaa in wali xiriir wanaagsan uu naga dhaxeeyo madaxda gobolka Hiiraan UNICEF na waxa ay taageero weyn siisaa Soomaaliya ilaa hadda,  haddi ay ahaan lahayd dhinaca cunada iyo ka hortaga  xanuunada sidaa darted booqashadeena maanta magaalda Baladweyn waxa ay tahay inaan caawino dadka uu soo ritay daacuun caloolaha ee ku nool gobolkani Hiiraan”  ayuu yiri Join Marsheel. “Waxaan marka hore soo dhaweynahaa Mr Join  waxaan halkan uga shegaya dadka  ka ganacsada biyaha in ay taxadar weyn sameyaan  oo ay biyaha waqtigi loogu tala galay keyd ahaadaan  sidoo kale waan la xisaabtami doonaa  dad ganacsatada ah.” sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha gobolka Hiiraan. Cudurka shuban biyoodka ayaa dhawan ka bilowday magalada Beledweyn iyo degaanada ku dhow dhow  iyadona in ka badan 100 ruux uu soo ritay  maalmihii la soo dhafay  [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles