Safiirla Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire. Jamaal Maxamed xasana ayaa a qeyb galay Mashruuc bulshada Soomaaliyeed looga wacyi gelinayo dhanka sharciga oo ka furmay Xaafadda Islii ee Magaalada Narobi. iyadoo maanta ay ku beegantahay maalinta caalamiga ah ee xaquuqda aadanaha ayaa waxaa xaafada islii ee magalada nairobi lagu qabtay mashruuc talo siin ah oo bulshada Soomaaliyeed looga wacyi gelinayo xaquuqda dhanka sharciga ee ay leeyihiin iyo wax yaabaha looga baahanyahay. Mashruucani oo ahaa mid lacag la aan ah oo dadka ku dhaqan xafadda Islii lagala talinayo aimaha la xiriira xaquuqda dhanka sharciga ayaa waxaa iska kaashaday safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya,gudiga qareenada gobalka waqooyi bari iyo hay’adda qaxootiga Norway oo loo soo gaabiyo NRC. Waxaana furitaankii mashruucani ka qeyb galay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan iyo qaraanno Soomaaliyeed iyo sidoo kale dadweyne aad u fara badan oo ka faa’ideysanayay mashruuca la talinta dhanka dharciga. Gudoomiyaha gudiga qareenada gobalka waqooyi bari Cabdinaasir Aadan ayaa waxa uu ka warbixiyay muhimada barnaamijka isagoo ka codsaday shacabka ku dhaqan xaafadda Islii inay ka qeyb galan wacyigelinta dhanka sharciga ee loo sameynayo bulshada. “howshan aan ka heyno xaafadda Islii waxay tahay inan talo ka siino arimaha sharciga si meesha looga saaro dhabatoyinka [...]
↧