Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Agaasimaha Guud ee ALESCO oo booqday Xarumaha Ururka Iskaashiga Islaamka ee Jeddeh

$
0
0
Dr. Cabdulcasiis Bin Cusman  oo ah Agaasimaha Guud ee Ururka Islaamka u qaabilsan Tacliinta, Culuunta iyo dhaqanka  ayaa booqasho shaqo ah ku tagay Xarumaha Ururka Iskaashiga Islamka ee magaalada Jiddeh oo uu ku jiro Bangiga hotumarinta Islaamka. Agaasimuhu intii uu Xarumahaasi booqanayay waxaa la socoday  Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka  Dr. Yuusuf Bin Xamad Alcusameyn iyo Bandar Mahamed Xamza oo ah  Guddoomiyaha Bangiga horumarinta Islaamka,waxayna booqashadaa kadib kulan gaar ah oo ay yeesheen ay uga wada hadleen  sidii loo xoojin lahaa xiriirka  Ururka ALESCO iyo  kan horumarinta Iskaashiga islaamka gaar ahaan dhinacyada bulshada. Sida laga warqabo Ururka ALESCO, ayaa waxa u Sanadkii 1984 kii  magaalada Jeddeeh ee Caasimadda Boqortooyada ,heshiis isfaham ah ugula saxiixday  Ururka Iskaashiga islaamka ,sidoo kale Sanadkii 1987 dii isla magaalada Jeddeh  waxa u heshiis  kale oo Iskaashi ugala saxiixday bangiga horumarinta Islaamka.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles