Iyadoo xaladda bani’aadanimo ee ka taagan goobaha dagaaladu ka socodaan ee dalka Suuriya ayna sii darayso maalinba maalinta xigta, ayaa wadamada Turkiga ,Sacuudiga , Qadar iyo Imaaraadka waxay soo jeediyeen in la qabto kulan deg deg ah ee Golaha amaanka ee Qaraamada Midoobay kaasoo looga hadlayo wadciga ka taagan dalka Suuriya. Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Afartan dal ayaa waxaa soo dhaweeyay qaar ka mid ah wakiilada joogtada ah Golaha amaanka waxayna soo jeediyeen in si deg deg ah loogu guda galo ka hadalka baaqaasi wadajir ah oo ay soo hordhigeen Golaha wadanmada Turkiga, QADAR, imaaraadka iyo Sacuudiga. Baaqan looga codsanayo kulanka deg dega ah ee Golaha amaanka ayaa imanaya iyadoo Todobaadyadii la soo dhaafay ay ka sii dartay Xaalada Magaalada Halab ee dagaaladu ka socodaan ayna dhibbaato ka soo gaartay dad badan oo rayid ah.
↧