Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntlad ayaa kusii siqaya Magaalada Qandala ee gobolka Bari oo ay gacanta ku heyaan Maleeshiyaad ka amar qaato kooxda arxanka daran ee Daacish. Ciidamada Putland ayaa iminka ku sugan deegaano hoos tago Magaalada Qandala iyagoo shalay deegaanaadaas dagaal uga saaray maleeshiyaadka daacish , dagaal kooban oo shalay dhaxmaray ciidamada Putland iyo Maleeshiyaadka daacish ayaa waxaa lagu dilay inkabadan Toban ruux oo ka tirsan Maleeshiyaadka Daacish. Dowlad Goboleedka Putland ayaa qorsheyneyso in ay si deg deg ah u xureeyaan magaalada Qandala oo ah magaalo xabeed istiraatiiji ah , waxaana dagaalka qeyb ka ah ciidamada Badda ee Dowlad Goboleedka Putland.
↧