Sida ay Qortay Waregyska Wararka daily nation, Dowladda Mareykanka ayaa ugu deeqday Dowladda Kenya 6 Diyaaradood oo Helicopter ah oo loogu tala galay howllgalka ka dhanka ah Maleeshiyada Al Shabaab. Labo ka mid ah Diyaaradaasi sida tooska ah u kaca ayaa warbixinta lagu sheegay in ay la wareegeyso bisha May ee sanadka cusub 2017. Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga Kenya oo soo xigatay Wargeyska ayaa sheegay in Diyaaradahaan ay door ka ciyaari doonaan howllgalada Ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaalida ay kula dagaalamayaan Al Shabaab iyo xoojinta awooda Ciidamada qalabka sida ee Kenya. .Deeqda Diyaaradahaan oo lagu qiyaasay 100 Milyan oo Dollarka Mareykanka ayaa qeyb ka ah kaalmada Mareykanka ee hadafkeedu ay tyahay xoojinta ammniga gobolka. Safiirka Mareykanka ee Kenya ayaa sheegay in deeqda Kenya ay ka dhigan tahay tii ugu weyneyd ee Mareykanka siiyo Dal ka tirsan Koofurta Saxaraha Afrika. Diyaaradahaan ayaa sidoo kale ka sakoow dagaalka loo isticmaali doonaa howllgalada baaritaanada iyo badbadbaada marka loo baahdo. Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah AMISOM iyaga oo taageero siinaya Ciidamada Dowladda oo dagaal kula jirta Al Shabaab.
↧