Mogadishu, 03 December 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Doorashooyinka xildhibaanada oo heer gabo-gabo maraya, Hay’ada Socdaalka oo bilowday qorshe xaduudaha dalka looga furo xafiisyadii hay’ada, Maxkamada Sare oo bilowday Qorshe lagu mideynayo Maxkamadaha Dalka, Madaxweynaha oo xariga ka jaray Kuliyada Farsamada Gacanta, Qorshaha Horumarinta Qaranka oo la gaarsiinayo gobollada dalka, Ciidanka oo la wareegey deegaano hoostaga Mahaday, Ciidanka Nabadsugida oo gacanta ku dhigay miinooyin ay Al-Shabaab aaseen, Dib-u-heshiisiin la dhaxdhigay beelo ku dagaalamay gobolka Hiiraan, Ciidanka Dowladda oo gacanta ku dhigay shaqsi waday gaari qarax geystey iyo Ciidanka Danab oo 7 Al-Shabaab ah ku dilay howlgal Qorsheysan oo ay ka fuliyeen Qoryooley Doorashooyinka Xildhibaanada oo heer gabo-gabo maraya Doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si xowli ah uga socota dalka oo maraya heer gabogabo ah. 30kii November 2016 ayaa doorashooyinkii ka bilowdeen Muqdisho oo ah goobtii ugu danbeysey. Gudoomiye Ku xigeenkii labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa noqday shaqsigii ugu horreeyey ee lagu doortay Muqdisho iyadoo la filayo inta harsan in la soo dhameystiri doono dhowaan. Hay’ada Socdaalka oo bilowday qorshe xaduudaha dalka looga [...]
↧