Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Boqorka Wadanka Malaysia oo warqadda safiirnimo ka guddoomay danjiraha Soomaaliya ee wadankaas

$
0
0
Boqorka Wadanka Malaysia Sultanate of Kedah ayaa maanta warqadii danjirenimo (credential letter) ka guddoomey Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Wadanka Malaysia Danjire  Dr. Abuukar Cabdi Cisman Mardaadi Danjire Mardaadi wuxuu mahadcelin ballaaran u jeediyay Boqorka iyo Shacabka Malaysia, waxaana u sheegay uu xoogga saari doono horumarinta cilaaqaadka dhinacyada badan leh ee labada dal ka dhexeeya. Danjiraha Isagoo la hadlayay Radio Muqdisho wuxuu sheegay in maanta uu soo laabtay Xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhexeyay lada dal. Safiirka Soomaaliya ee wadanka Malaysia  Dr. Abuukar Cabdi Cisman Mardaadi ayaa tilaamay in Soomaaliya iyo Malaysia uu ka dhexeeyo Xiriirka Ganacsi, Caafimaad iyo Waxbarasho, isla markaana uu xoogga saari doono sidii arrimahaasi oo dhan loo xoojin lahaa. Danjire Mardaadi ayaa hadalkiisa ku daray in ardayda Soomaaliyeed ee dhigta Jaamacadaha kuyaala dalka Malaysia uu gacan ka siin doona, waxkasta oo uga xiran dhanka Safaaradda  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles