Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ra’iisul wasaaraha India oo booqasho la yaab leh ku tagay Pakistan

$
0
0

WhatsAppShare

Ra’iisul wasaaraha dalka India Narendra Modi ayaa maanta oo Jimcaha waxaa  booqasho lama filaan ah ku tagay dalka dariska la ah ee Pakistan, isagoo la filayo in uu kulan la yeesho dhigiisa Pakistan Nawaz Sharif.

Mr Modi oo ka soo laabtay dalka  Afghanistan ayaa ku hakaday magaalada bariga ku taala ee  Lahore. Booqashadan ayaa ku soo aaday maalinta dhalashada  Mr Sharif.

Ra’iisul wasaare Modi  ayaa  booqashadan waxaa ay taha tii ugu horeysay oo uu dalka Pakistan uu ku tago tan iyo 2004.

Xiisada u dhaxeysay labada wadan ee heysta hubka wax gumaada ee nuclear-ka isla markaana daris ah ayaa waxaa ay aheyd mid in muddo ah soo jiitamaysay hase yeeshee mudooyinkan dambe soo hagaagaysay.

Labadan mas’uul ayaa muddo kooban kulan ku yeeshay magaalada Paris ee dalka France intii lagu guda jirey shirkii cilmilada ee dhowaan halkaas lagu soo gabagabeeyay.

Wadamadan ayaa waxaa ay horey u dhex maray sadex dagaal tan iyo markii ay xoriyada ay ka qaateen dalka  Britain  sanadkii 1947, waxaana kabo kamid ah dagaaladaasi ku saabsanaayeen muranka gobolka  Kashmir.

Kashmir, ayaa labadan wadan ay sheegtaan in uu leeyahay  waxayna halkaas aheyd  xudunka khilaafka labadan wadan   60 sano ee la soo dhaafay.

Xabad joojin la saxiixay 2003 ayaa hadda jirta inkastoo had iyo jeer midba midka kale uu ku eedeeyo in uu ku xadgudbayo heshiiskaas.

 

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles