Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo. Waxaa garoonka ku soo dhoweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan dowlad gobaleedka Jubbaland. Wasiirka ayaa inta uu joogo magaalada Kismaayo wuxuu tababbar u soo xiri doonaa ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya, wuxuu sidoo kale kulamo la qaadan doonaa saraakiisha Jubbaland. Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa wada dadaalo badan oo ay ku dar dargalinayso howlaha dib u dhiska ciidanka xoogga dalka
↧