Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasaarada Caafimaadka Galmudug oo deeq daawo ah Gaarsiisay Isbitaalka deegaanka Baxdo.

$
0
0
In ka badan 100-Ruux oo Cudurka Shuban biyoodku soo ritay ayaa maalmihii ugu dambeeyay la gaarsiiyay Isbitalka deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud. Xilli abaaro ba’an ay ka jiraan deegaanada Galmudug ayaa meelaha qaarkood waxaa ka jira cudurka shuban biyoodka. Isbitalka magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa la gaarsiiyay in ka badan 100-Ruux oo badankood dhulka miyiga ah laga keenay. Wasiiradda caafimaadka dawlad goboleedka Galmudug Naciima Maxamed Maxamuud ayaa maanta booqatay Isbitalka, iyadoo gaarsiisay deeq dawo ah, si xaaladan caafimaad loogu caawiyo. Dr Khaliif Muuse Maxamuud agaasimaha Isbitalka Baxdo ayaa ka mahadceliyay deeqdan dawad ah oo ku soo aaday waqti baahi wayn loo qabay. Wasiiradda caafimaadka Galmudug Naciima Maxamed Maxamuud ayaa sheegtay in xaaladaha abaaraha ka jira gobolka ay sababayaan caafimaad daro baahsan, waxaana ay ku baaqday in arrintaas il gaar ah loo lahaado.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles