Munaasabad lagu maamusayay xuska dhalashada Nabigeena Muxamad N.N.K.H ayaa maanta lagu qabtay magaalada Nairobi, waxaana munaasabadda ka qeybgalay guddoomiyaha guud ee culumaa’udiinka Ahlu sunna Waljamaaca. Munaasabadan oo aheyd mid ay soo qaban qaabiyeen culimaa’udiinka Ahlu sunna Waljamaaca ee ku nool magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu xusayay dhalashada Xabiibkeena Muxamad N.N.K.H. Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay guddoomiyaha guud ee maamulka Ahlu sunna Waljamaaca, Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan Faarax iyo qaar kamid ah mashaa’iqda Ahlu sunna ee ugu caansan xaafadda Islii. Sheekh Cabdullaahi Cali Aadan oo ku hadlay magaca qabanqaabiyaasha munaasabadda iyo Sheekh Shardi Mire Salaad oo isna culimada goobta ka hadashay kamid ahaa ayaa ugu horreyn ka hadlay ujeedada munaasabadda, iyagoo sidoo kale ka sheekeeyay ahmiyadda ay leedahay in la weeneeyo dhalashada nabi Muxamad N.N.K.H. “Kulankan waa Xusuusin loogu talo galay in dadka jecel Nabiga(N.N.K.H)ay ogaadan in la gaaray bishii mowliidka dhamanteena kulanka waan u simanahay Muhimaduna waxa ay tahay in aan nabiga dhalashadiisa muujino” ayuu yiri Sh. Cabdullaahi Cali Aadan “Waxaan rabaa inan dhalinyarada ku baraarujiyo inay ku dadaalan barashada diinta islaamka si ay u difaacaan,hadii uusan qofka baran oo uusan aqoon lahayn waxaa suurta gal ah in lagu marin hababiyo wax aan jirin sidaa darteed waa muhiin in [...]
↧