Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxa CIA: baabi’inta heshiiska Iran ee Trump waa masiibo iyo nacasnimo

$
0
0
Madaxa CIA-da Mareykanka ayaa sheegay in baabi’inta  heshiiska Niyuklerka  Iran,isla markaana uu wado  Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump uu yahay masiibo iyo waxyeello kale oo salka ku heysa nacasnimo qoto-dheer.  Madaxa sirdoonka John Brennan oo u waramayey Warbaahinta BBC-da ,ayaa ka digay baabi’inta heshiiskaasi,wuxuuna ku taliyay in Trump,uu ka walwalo ballanqaadyada Raashiya ee ku aadan doorka ay ka ciyaaraan arimaha dalka Suuriya. Mr Trump ,ololihii uu ku jiray xilligii doorashooyinka ayuu ku hanjabay in uu baabi’inaayo heshiisyada lala galay Iran ee ku aadan hubka Niyuklerka ,isagoo sidoo kale waqtigasi soo dhoweeyay in uu la shaqeynaayo xukuumadda Mosco. Mr Brennan ayaa xilka ka dagaya bisha Janayo ee soo socota kadib muddo 4-sano ah oo uu haayey xilka CIA..

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles