Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Sawiro:Maxaabiis tababar lagu siiyey Magaalada Muqdisho

$
0
0
Tababarkaan ayaa loo soo gababeyey laba qeybood oo ka tirsan dhallinyarada ku xiran Xabsiga Dhexe ee Xamar, tiradooduna gaareyso 40 maxbuus. Maxaabiistan ayaa la barayey xirfado kala duduwan, sida Korontada iyo Dhismaha waxaana gacan ka geystay Ciidamada Talyaaniga ee jooga Soomaaliya qaybta u qaabilsan gargaarka. Xiriiriyaha Deeqaha Talyaaniga Maxamuud Xuseen Mooge (Kabtan Mooge) oo ka hadlay munaasabadda ayaa ka faahfaahin ka bixiyey Tababarka, Wuxuuna sheegay in tababarkan uu yahay mid lagu baranayey Harqaan tolista iyo Korontada. Madaxa Hoggaanka Qorsheynta iyo Tababarrada ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed G/Sare Daahir Cabdulle Raage oo ka mahadceliyey tababarkan loo soo xiray dhallinyarada ayaa yiri- “Muhiimadeenu waa iney tababarkan ka faa’iideystaan Maxaabiista, si ay mustaqbalka ugu shaqeystaan markii ay xukunkooda dhammeystaan” Taliyaha Ciidanada Talyaaniga ee Soomaaliya qaybta gargaarka u qaabilsan G/Sare Juzebe Fabri ayaa ballanqaaday in ay sii wadi doonaan Tababaradan nocaan ah si kor looga qaado Aqoonta Maxbuuska. Ciidammada Talyaaniga ee Soomaaliya qaybta gargaarka u qaabilsan ayaa horay waxay kaalmooyin kala duwan u gaarsiisay qaar ka mid ah dadka ku nool Magaalada Muqdisho.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles