Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Gudoomiyaha maxkamadda sare oo sheegay in uu bilowday qorshe lagu tayeeynayo maxkamadaha dalka+Sawirro

$
0
0
Maxkamadda sare ee Dalka ayaa sheegtay iney billowdeen qorshe lagu tayeynayo Maxkamadaha dalka , xilli GuddoomiyahaMaxkamadda sare & Xeer Ilaaliyaha guud ay socdaal ku tageen Kismaayo. Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Saleebaan oo uu wehliyo Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta Maxkamadaha Jubbaland ee heer gobol iyo heer degmo waxaana hadal uu madashaas ka jeediyey guddoomiyaha Maxkamadda sare uu ku sheegay in socdaalkooda uu la xiriiro tayeynta iyo isku xirka Maxkamadaha dalka, iyadoo qorshaha koowaadna haatan laga billaabayo Dowlad-goboleedka Jubbaland. Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Md. Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa carrabka ku adkeeyey in ay lagama maarmaan tahay Cadaalad-falidda iyo in la helo go’aamo dhax-dhaxaad ah oo sharciga ku dhisan, wuxuuna kula dardaarmay garsoorka Maxkamadaha Jubbaland iney u cadaalad falaan dadka shacabka ah. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa sheegay in Guddoomiyaha Maxkamadda Jubbland iyo xeer Ilaaliyahaba uu guddoonsiindoono Buug muhiim u ah howlaha garsoorka ay bulshada u hayaan Maxkamadaha. Wefdiga dowladda federalka ayaa intii ay joogeen Jubbaland waxay kormeereen xaruntii hore ee Maxkamadda gobolka oo uu ka muuqdo burburka dagaalladi sokeeye iyo weliba Xabsi cusub oo imminka laga hirgelinayo xeebta Koboora ee magaalada Kismaayo, taasoo dhismaheeda uu hadda socda, waxeyna kulamo [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles