Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Booliiska Mareykanka oo baaraya wiil Soomaali ah oo weerar ka geystay Jaamacadda Columbus Ohio+Sawirro

$
0
0
Booliska iyo Hay’adaha danbi baarista Mareykanka ayaa wali baaritaan ku haya hooygii uu magaalada Columbus Ohio ka daganaa Abdirizak Ali Artan oo ah 20 jir Soomaali ah islamarkaana weerar mindi loo adeegsaday ka gaystay jaamacadda Ohio State University. Waxay Boliisku kaxaysteen dhamaan qoyskii Abdirizak oo ka koobnaa Hooyo iyo 6 caruur ah oo dhamaantood su’alo laga weydiinayay qofka uu abdirizak ahaa waloow in kabadan 10 saac la haystay hadana waa la soo fasaxay. Waxa uu Abdirizak ka yimid waxna ku soo bartay Dalka Pakistan waxa uu sida la sheegay ahaa qof aad u jecel waxbarashada, waxauuna kaalimaha koobaad ka gali jiray Imtixaanaadka, isaga oo ahaa shaqsi dhanka cibaadada ku wanaagsanaa sida ay noo xaqiijiyeen dad ay is yaqaaneen. Naf ahaantiisa waxa uu ka mid ahaa ardada Jaamaca OSU oo uu sanadkii 2aad waday. Hay’adda Cair oo ah hay’ad u doodda xaquuqda Muslimiinta Mareykanka ayaa shirjara’id oo ay si wada jir ah u qabteen jaaliyadda Soomaaliyeed waxa ay ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin dhacdadan iyo in dhacdooyinka noocan ah aysan ka tarjumayn Muslimka iyo dhaqanka suban. Mas’uuliyiintii ka hadlay shirkan Jara’id ayaa sheegay in wali aan si cad loo qeexi karin sababta ku dhalisay falkan Abdirizak iyo in uu baaritaan [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles