Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Kulan wax soo saarka dalka looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay

$
0
0

WhatsAppShare

Xubna ka socday wasaaradda Beeraha iyo wakiilo  ka kala socday maamul gobaleedyada  dalka ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay ku kulan sanaa magaaladda Muqdisho kaasi ay ku diyaarinyeen  qaab dhismeedka  qorshaha sadaxda sano ee soo socda ee wax soo saarka  beeraha wadanka.

Mas’uuliyiinta ka qeybgalay shirkaas  ayaa si weyn  u  falanqeyay habka ugu macquulsan ee khayraad dalka looga faa’iideysan karo.

Wakiiladda ka socda  maamuladda  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka go’antahay in laga wada shaqeeyo  sare u qaadista wax soo saarka beeraha dalka.

Agaasiamaha guud ee wasaaradda beeraha  Maxamuud Maxamed Maxamuud , ayaa  u mahadceliyay mas’uuliyiinta maamulada sida wanaagsan ay uga qeybgaleen kulanka  ayna ku soo bandhigeen  aragtidooda,waxuuna agaasimaha intaasi ku daray in gobal kasta wax soo saarkiisa ay wasaaradda ay kala shaqeynayso sidii kor loogu qaadi lahaa.

Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane  Axmed  Xasan  Gaboobe (Ugaas Bile} ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay diyaar u tahay horumarinta wax soo saarka dalka iyo  in umadda  Soomaaliyeed la fahan siiyo kheyraadka wadankooda ku jiro.

Qorshahan  sadaxda sano  soo socda ee  ah wax soo  saarka dalka ayaa ah  mid lagu doonaya sida  loo kordhin lahaa  wax soo saarka wadanka  tasoo ah midda kaliya  ee dalka kobaciisa dhaqaalaha door muuqda ka qaadan karto.

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles