Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Jabuuti iyo Midowga Yurub oo Iska kaashanaya horumarka

$
0
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mohamed Ali Ahmed  iyo Danjiraha Midowga Yurub u Jooga Jabuuti  Adam Kolash ayaa ka wada hadlay Xoojinta iskaashiga iyo wax wada  qabsiga laba dhinac. Kulan labadan mas’ul  maanta ku dhaxmaray magaalada Jabuuti  ayaa la sheegay inay uga wada hadleen arrimo badan oo  ay ka mid ahaayeen Iskaashiga dhinacyada awoodda tamarta, biyaha, horumarinta dhaqaalaha ,amniga iyo qodobo kale. Danjiraha Mikdowga Yurub ee Jabuuti ayaa kulankaasi ku ballanqaaday inuu sii dardar gelin doono sii horumarinta  iskaashiga ka dhaxeeya dowladda Jabuuti iyo Midowga Yurub. Ugu  dambeystii Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mohamed Ali Ahmed ayaa  munaasabadaa ka sheegay in Sanadahan dambe uu sii xoogaystay Cilaaqaadka uu dalkiisu la leeyahay Midowga yurub.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles