Munaasabadan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka dhalinyarada ee Islii Wood ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamakunji Yuusuf Xasan Cabdi iyo marti sharaf kale. Goobta munaasabadda ay ka dhacaysay oo lagu xardhay qaar kamid ah agabka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso dhaqameedka ay caanka ku yihiin umadda Soomaaliyeed sida Dhaantooyin aad u soo jiitay mas’uuliyiintii xafladda ku sugneyd. Xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamakunji Yuusuf Xasan Cabdi oo munaasabadda ka hadlay ayaa u mahadceliyay ururka Islii Wood ee soo qabaqaabiyay xafladda, isagoo sidoo kale bogaadiyay dowladaha Holland iyo Mareykanka oo gacan ka geystay qabsoomidda munaasabadda. “Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa ururka dhalinyarada Islii Wood ee soo qabanqaabiyay munaasabadan Hidaha iyo dhaqanka lagu weyneynayo, sidoo kale waxaan u hambalyeynayaa dowladaha Mareykanka iyo Holland oo iyana gacan ka geystay barnaamijkan, waxaan intaas kaddib umadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay nabad ku wada noolashiyaha ka shaqeeyaan” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya, Amb Jamaaal Maxamed Xasan oo isna madasha ka hadlay ayaa bogaadiyay ururka Dhalinyarada Islii Wood, wuxuuna dhinaca kale ka sheekeeyay ahmiyadda ay leedahay in la kala saaro arrimaha Xagjirnimada, Diinta iyo dhaqanka. “ Runtii [...]
↧