Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Bulshada Caabudwaaq oo bilowday dhismaha Jaamacadda Galgaduud University “SAWIRRO”

$
0
0
Dhismaha Jaamacadda Galgaduud University ayaa laga bilaabay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxaana wada jir u dhisaya bulshada Caabudwaaq oo gacan ka helaya qurba joogta Soomaaliyeed Jaamacaddan oo markii ugu horaysay laga aas aasay degmada sanadkii 2014. Ayaa ku shaqa bilowday guro gaar loo leeyahay oo loo dhistay deegaan waxaana markii ay kordheen tirada  ardada iyo kuliyadaha ay bixiso Jaamacadda  la dareemay ciriiri dhinaca fasalada ay fariistaan ardayda. Mamulka Jaamacadda oo kaashanaya Bulshada ayaa ku guulaystay inay Jaamacadda u helaan boos u gaar ah oo ku filan si jaamacada ay u fuliso baaahiyaha loo qabo dhinaca waxbarashada Shiikh Daauud Xirsi Siyaad oo kamid ah Culumada ayaa soo dhaweeyay is badalka dhinaca horumarkaa oo ay sameysay Jaamacadda isaga oo sheegay in Jaamacaddu ay dhistay garaadka dadka aqoonta u baahnaa,  isaga oo u mahad ceshay dadka la taagan taageerada Jaamacaddaiyo dhismaheeda socda Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi waayeel) oo kamdi ah qurba joogtaSoomaaliyeed ee ka soo jeeda Deegaanka oo ku deeqay dhulka laga dhisayo Jaamacadda ayaa sidoo kale maanta ku deeqay boqol kaariko ama lowr oo dhagax ah oo uu oga qayb qaadanayo dhismaha Jaamacadda Guddoomiyaha Guddiga Garoonka Diyaaradaha Caabudwaaq Cabduqaadir Dheere oo kamid ah dadka u taagan Horumarinta Jaamacadda Galgaduud Unuiversity ayaa [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles