Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Galmudug oo guddi u saartay wax ka qabashada abaaro ka jira deegaannadeeda+War-saxaafadeed

Dowlada Goboleedka Galmudug ayaa waxa ay warsaxaafadeed ka soosaartay Abaaraha xoogan ee ka taagan deeganada Galmudug isla markaana magacaawday gudi loo xilsaaray gurmadaka abaaraha Galmudug. Halka Hoose Ka Akhriso. WAR-SAXAAADEED:–Iyadoo ay jirto abaaro xoogan oo ka jira gayiga soomaaliya gaar ahaan degaanada Galmudug, ayaa abaarahan waxa ay keeneen dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira barakac, macluul, iyo baaba’ ku yimid xoolaha nool. Abaarahan waxay gabi ahaanba saameeyeen deegaanada Gobolka Mudug iyo Galgaduud, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in loo gurmado dadka ay saameeyeen abaaruhu si loo gaarsiiyo gargaar bini aadanimo oo ay ugu muhiimsan tahay biyo iyo baad. Dowladu waxa ay ku howlan tahay in ay gaarsiiso dadkaa dhibaateysan deeq macaawino ah oo dhawaan naga soo gaartay Dowlada aynu walaalaha nahay ee Turkiga. BAAQ Dowlad Goboleedka Galmudug waxay baaq u diraysaa Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, Hay’adaha samafalka iyo dhamaan jaaliyadaha ka soo jeeda Galmudug in ay gacan ka geystaan gurmadna loo fidiyo dadkaas ay ku dhufteen abaaruhu si looga hortago in ay ka dhalato xaalad bini aadanimo oo intaa ka sii liidata. Si loo qaado talaabada ugu haboon ee gacan looga geysan karo gurmadka abaaraha ka jira deegaanka Galmudug, Dowladu waxey magacaawday guddi ka kooban 11-xubnood oo iskugu [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles